Iska hor imaad xalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho

0
262

Lafoole(INO/Agency)— Iska hor imaad u dhaxeeyay dagaalyahano ka tirsa Al-Shabaab iyo Ciidamada Nabadsugida ayaa xalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen saldhig Ciidamada Nabadsugida ku lahaayeen xaruntii shanta Golaha sare ee deegaanka Lafoole.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in hub noocyadiisa kala duwan la isku weydaarsaday dagaalka, isla markaana uu jiro khasaare dad rayid ah ka soo gaaray rasaasta oo ahaa dhaawacyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarka ay Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisinka ciidamada Nabadsugida la iska caabiyay, isla markaana ay dhimasho iyo dhaawac u geysteen Shabaabkii soo weeraray.

“Kooxihii Nabad-diidka ee soo weeraray xarunta shanta golaha sare ee Lafoole waxaa laga dilay lix, dhaawacyo ayay jiiteen, waana la iska caabiyay, ciidamada nabadsugida ee NISA ayaa iska caabiyay”ayuu yiri Afhayeenka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan ayaa ah kii u horeeyay oo toos ah oo fariisin ciidamada nabadsugida ku leeyihiin deegaanka Lafoole lagu qaado, waxaana uu ku soo beegmayaa, iyadoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye maalmo ka hor ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin lagu qaaday Kolonyo uu la socday madaxweynaha Koofur Galbeed.

Idale News Online,Lafoole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here