Isgaarsiinta magaalada Kismaayo oo isu bedeshay Kumeel Gaar

0
205

Isgaarsiinta magaalada Kismaayo ayaa noqotay mida ugu badan ee labadii maalmood ee la soo dhaafay hawada looga saarayay xiisadaha siyaasadeed ee ka jirtay magaalada. iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay muddo labo jeer la daminayay.

Shalay oo ay booqdeen magaalada Kismaayo wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hor inta aysan gaarin hawada laga saaray, iyagoo markii ay tageen hawada laga saaray ilaa intii ay magaalada ka soo tagayeen.

Wariyeyaal ka socda warbaahinta kala duwan oo la geeyay Kismaayo ayaa dhib ku qaba isgaarsiin la’aanta ka jirta magaalada, waxaana mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo wariyaheeda ku wareysanaysay qadka taleefanka ayaa intii wareysiga socday Isgaarsiintu hawada laga saaray.

Inkastoo ay socdaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan magaalada, hadana wali waxaa taagan dareen dadka qabaan, maadaama dhinacyada dagaalamay aan la kala qaadin.

Wafdiga ka socday dowladda Soomaaliya ayaa la kulmay Saraakiil ka socotay labada dhinac ee dagaalamay, iyagoo ka dalbaday in xaalada la dejiyo, waxaana lagu qanciyay in la sii wado shirarka maamul u sameynta.

Saakay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka Febraayo waa maalinta la iclaamiyay inuu Muqdisho ka furmo shir wada tashi ah oo ay Xukuumadu ugu baaqday dhinacyada qaban qaabinaya shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxaana uu shirka soconayaa ilaa 1-da Maarso.

Arrinta Jubooyinka ayaa noqotay mida ugu weyn ee gilgisha siyaasada dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waana caqabad halkeeda taagan oo ay adag tahay in dowladdu ku qanciso dhinacyada u hanqal taagaya maamulka Kismaayo inay ku midoobaan maamul loo dhan yahay.

Idale News Muqdisho