In ka badan 500 ruux oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay Degmada Howlwadaag

0
202

Muqdisho(INO)- Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya oo howlgal ballaaran ka sameeyay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay qabtay in ka badan 500 oo dhalinyaro ah.

Howlgalkaan ayeey ciidamada ka sameeyeen inta u dhaxeysa Isgoysyada Howlwadaag iyo Sayidka, gaar ahaan Xaafadaha Shanta Geed iyo Nawaaxiga Masaajidka Cali Caliyoow, iyadoo boqolaal dhalinyaro ah goobta la isugu keenay.

Ciidamada Nabad Suggida oo howlgalkaan fulinaayay ayaa xiray wadooyinka, waxaana inta ugu badan dhalinyarada la weydiinaayay inay haystaan kaararka Aqoonsiga Dowladda hoose (Teesare Minashiibiyo).

Inkastoo Kaarka Aqoonsiga Dowladda hoose Hanti Dhowrka Qaranka uu ku tilmaamay mid sharcidaro ah, ayaa hadana Maamulka Gobolka Banaadir oo hoostagga Taliska Nabad Suggida Gobolka ku adkeysanaayo in dadka ay qaataan kaarkaasi.

Ciidamada Nabad Suggida oo howlgalka bilaabay xalay saacada markii ay aheyd 7:30 ayaa dhalinyaradii ay qabteen badankooda waxa ay sii daayeen saacada markii ay aheyd 10:30 Habeenimo ilaa 11:00.

Saraakiisha ammaanka kama aysan hadlin hadii ay jiraan tuhuno dhanka ammaanka ah oo jiray iyo dad gaar ah oo ciidamada ay baadigoobayeen, laakiin qaar ka tirsan dhalinyaradii la sii daayay ayaa u sheegay Warbaahinta in la weydiinaayay kaliya kaarka Aqoonsiga Dowladda hoose.

Howlgalada noocaan oo kale ah ayeey ciidamada ammaanka bilaabeen muddooyinkii dambe inay ka sameeyaan Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo markii la amray in la qaato Kaarka Aqoonsiga Dowladda hoose.