Ku dhowaad 230-ruux ayaa ku dhimatay, kadib markii uu dab qabsaday goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Jaamaacadeed Santa Maria ee ku taala Koofurta Brazil.
Booliska ayaa sheegay in dabkan uu qabsaday markii dhalinyaro badan oo ku caweyneysay goobta ay cirka u rideen baaruuda, taasoo keentay inuu dab kaco.
Warbaahinta gudaha ee dalka Brazil ayaa sheegeysa in goobta caweyska uu lahaa hal albaab, taasna ay sabab u aheyd in qasaaraha uu badato.
Saacadihii u dambeeyay ayaa kooxaha dab damiska ay ku howlanaayeen inay damiyaan dabka, hase ahaatee uu ahaa mid xowli ku socday oo ku kala baahay dhamaan daarta uu ku yaala goobta lagu caweeyo.
Goobta ayaa laga soo saaray meydad badan, iyadoo ay soo buuxiyeen dadweyne fara badan oo barooranayay, waxaana xaalada ay aheyd mid murugo leh.
Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff ayaa soo afjaray booqasho gaaban oo uu ku tagi lahaa dalka Chile, waxaana uu booqday magaalada ay musiibada ka dhacday, isagoo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiisrada ay booqdeen Isbitaalka.
Musiibadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee sanadkan uu ka dhaco dalka Brazil oo ka mid ah dalalka ugu ballaaran Latin Ameerika.
Idale News Muqdisho