Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ayaa markii ugu horeystey muddo ku dhow shan sano dhageysanayaa idaacad ka madaxbanaan ururkii Al Shabaab ee halkaas ka talinaayey. Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la furay idaacad la yiraahdo Radio Nabadda, oo saldhigeedu yahay gudaha dalka Kenya taasoo taageerta ciidamada huwanta ee magaalada hadda gacanta ku haaya.
Dad ku sugan magaalad Kismaayo ayaa sheegaya in idaacadaan ay dhageesteen isla markaana ay hawada soo gashay markii ay ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada ay qabsadeen magaalada xeebta ah ee Kismaayo. Wararka Idaacada ayaa u badan heeso, taageerada ciidanka AMINSON iyo kuwa huwanta ee qabsadey iyo warbixino xoojinaaya isbedelka iyo xooginta amaanka deegaanada ay ciidamadu maamulaan.
Qaar ka mid ah hal ku dhegyada Idaacada Nabada ee hadda ka howlgasha Kismaayo ayaa leh “AMISOM waxay idiin wadaa waa Nabad, AMISOM Waxay idinma wax yeeleyneyso oo iney shacabka reer Kismaayo disho uma imaan, waxay kaliya ee ay ka hortagaan waa Al-Shabaab, iyo hadalo kale oo kuwaasi la mid ah”
Maqalkii Idaacadii ku hadli jirtey codka Al Shabaab ayaan laga maqlin magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda tan iyo markii ay sabtida la soo dhaafey ciidankooda kala baxeen magaalada, waxaana bedelkeeda hawada soo gashey idaacaddaan cusub ee Radio Nabada oo hoostagta ciidamada huwanta ee hadda ku sugan magaalada.
Xafiiska Warqabadka Idale News ee Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com