Ciidamada kala duwan ee qabsadey magaaalada Kismaayo ayaa bilaabey howlgalo ay ku beegsanayaan guryaha ku yaala magaalada waxayna saacadihii ugu dambeeyey soo qabqabteen tiro dad ah oo ay ku tuhunsan yihiin in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab oo ku dhowaad shan sano ka talinaayey goboladda Jubooyinka. Howlgalkaan Ciidamada fuliyeen ayaa sidoo kale ka socda meelaha ka baxsan magaalada oo ay ka cabsi qabaan in ciidankooda waxyeelo loogu geysto.
Intuu uu howlgalka socday ayaa la sheegayaa in ay dhowr miino lagu qarxiyey goobahooda, kuwaasoo lagu aasay xarumihii ay deganaayeen Shabaab iyo goob muhiim ah oo magaalada, iyadoo qubaro xaga miinooyinka ku xeeldheer ay soo saareen miinooyin la aasay oo fiilooyin ku xirnaa.
Ciidamada ku sugan magaalada ayaaa laga dareemayaa taxadar aad u weyn waxaana la arkayaa iyagoo si teel teel ah u socda, meelaha ay ka shakiyaan iney walxaha qarxo ku aasan yihiin ugu yeera quburada la socota ee xaga miino soo saarista ku xeel dheer.
Amniga Magaalada ayaa ah mid degan waxaana magaalada ka muuqda isbedel dhanka shacabka iyadoo aad arkeyso dhalinyaro dabaal iyo kubad ku cayaareysa xeebta dheer ee magaalada iyo ganacsigii magaalada oo dib u bilowdey.
Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com