Howlgalo dad badan lagu xirxiray oo maanta laga sameeyey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo

0
192

Ciidamada maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo iyo kuwa Kenya ee magaca AMISOM wata ayaa maanta howlgalo balaaran ka sameeyey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad fara badan.

Saraaakiisha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid amaanka lagu xaqiijinayey laguna soo xirxiray ugu yaraan lixdan qof oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin xoogaga Al-shabaab, magaalada ka geysan jireen dilal iyo qaraxyo amanka wax loogu dhimayo.

Shiikh Maxamuud Khaalid oo ah taliyaha amniga magaalada Kismaayo ayaa sheegay nin dadka la soo xirxiray ay dhamaantood ka tirsan yihiin Al-Shabaab, howlgalkana uu socon doono inta inta magaalada laga xasilinayo, waxaana la jaray isgaarsiinta magaaladaas intii uu howlgalku socday.

Howlgalkan ayaa ku soo aaday xilli lagu wado in maalinta beri ah uu ka furmio magaalada Kismaayo shirkii maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoo magaalada ay joogaan inta badan ergooyinkii meteli lahaa beelaha dega goboladaas ee shirkaas ka qeyb geli lahaa, kuwaasoo halkaas ku leh kulamo gooni gooni ah.

Idale News Muqdisho