Howlgallo lagu qaadayo Isbaarooyinka oo laga bilaabay Gobolka Sh.Hoose

0
224

Marka (INO)—Ciidamada Nabad Sugidda Gobolka Sh.Hoose ee Dowladda Soomaaliya ayaa howgallo ballaaran oo lagu qaadayo Isbaarooyinka waxey ka bilaabeen Degaano ka tirsan Gobolkaasi.

Maxamed Cismaan Shiine, Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda ay ku guuleysteen qaadista ku dhawaad 30 Isbaaro oo yaala Degaanada Tixsiile iyo Jiiro-kuulow ee Gobolka Sh.Hoose.

Afhayeen Maxamed Cismaan Shiine oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ujeedkooda ay yihiin kuwa lagu cirib tiraya Isbaarooyinka iyo Al Shabaab.

Maxamed Cismaan Shiine oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in howlgalladan ay socon doonaan ilaa iyo inta laga suulinayo jidgooyooyinka la soo dhoobay Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Sikastaba, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaad hubeysan oo ku labisan dharka militariga ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay soo dhigteen Isbaarooyin lagu dhibaateeyo Shacabka Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here