Howlgallo Adag Oo Laga Sameeyay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay

0
430

Diinsoor ( INO)-Ciidamada Ethiopia  iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen nawaaxiga degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Howlgalladaan ayaa waxa ay ku macneeyeen Saraakiisha Ciidanka dowladd kuwo lagu xaqiijinayo Amniga , Al Shabaabna  looga saarayo Tuulooyinka u dhow dhow degmada Diinsoor Gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow oo la hadlay Idaacadda Idal News ee Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgalladii ay  Ciidamada huwanta ka sameeyeen deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan degmada Diinsoor waxaana uu sheegay in ay Ciidamadu bur buriyeen  Saldhigyo  ay Al Shabaab ku leeyihiin deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Deegaanno dhowr ah oo hoos yimaad Gobolka Bay ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakada Al Shabaab waxaana Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ay deegaanadaas  ka wadaan howlgallo Al Shabaab looga saarayo deegaanadaasi waxaana xusid mudan  in mararka qaar ay dhacaan iska hor’imaadyo u dhexeeya Ciidamada howlgalka wada iyo Al Shabaab.

Idale News Online, Baydhabo