Hoos u dhicii ugu weynaa oo soo wajahay sarifka Dollarka (Waa maxay sababta?!!)

0
218

Tan iyo markii la doortay Xukuumadda rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar kaliya shacabka Muqdisho u soo baxay cadow uga daran kuwii horay dalka u soo maray ee madaafiicda iyo barakicinta ku hayay, kaasi oo ah ganacsatada Soomaaliyeed oo markii ay awaamiir kulul kala kulmeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyagu cuna qabateynta shacabka Soomaaliyeed.

Saddexdii bilood ee u dambeysay waxaa mar kaliya suuqyada iyo goobaha ganacsiga dalka laga dareemay hoos u dhac weyn oo ku dhacay sarifka lacagta Dollarka, halka lacagta Shilinka Soomaaliga ah ay iyaduna gabaabsi sii noqoneyso.

Qiimaha maciishada daruuriga ah ayaa suuqyada dalka waxay tahay mid caadi ah oo aan iyadu waxba iska bedelin, waxayna tallaabadani noqotay mid dhibaatadii ugu weyneyd uu ka soo wajahdo shacabka Soomaaliyeed oo la filayay inay ka soo kabsanayaan dhibaatooyinkii ay soo marsiiyeen dagaaladii dalka ka dhacay.

Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda ayaa muddo haatan laga joogo in ka badan saddex toddobaad waxay sheegeen inay si degdeg ah wax uga qabanayaan sicir bararka dalka soo food saaray, hase hadalkaasi ma soo dhaafin afka beerkiisa, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya hoos u dhaca iyo sabbeynta sarifka Dollarka.

Ma jirto wax tallaabo ah oo Dowladda Federaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka qabatay xakameynta dhinaca dhaqaalaha, iyadoo ganacsatada iminka isku dayeyso inay iska hor keento Dowladda iyo shacabka, kaddib markii ay bakhaaro ku keydsadeen lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Magaalada Muqdisho waxaad ku arkeysaa marka aad marto magaalada gudaheeda baabuur aad moodo inuu raashin saaran yahay oo markii bakhaarka iridiisa la joojiyo laga dejinayo lacag shilin Soomaali ah oo jawaano ku jirta sidii raashinkii oo kale.

Sicir bararka iyo hoos u dhaca sarifka Dollarka wuxuu cirka isku sii shareeray kaddib markii Dowladda Federaalka ay ku amartay ganacsatada in gawaarida Dekedda ka soo badeecadaha aanay dhaafin karin birta kore ee gaariga, halka markii hore ay saddex kaariko hal baabuur ku soo qaadi jireen.

Dhinaca kale aqoonyahano ku xeel dheer dhinaca dhaqaalaha ayaa sheegay in hoos u dhaca sarifka Dollarka iyo sicir bararka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin dowlad wax ka qabaneysa, waxayna sheegeen in madaxdii dalka ay ka bixi la’yihiin safarro dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ku tegayaan, waxayna ka digeen in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban xaalada ay ka sii dareyso.

Idale News Muqdisho