Muqidhsho(INO)— Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Musharaxiinta loolanka adag ugu jira Guddoonka Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inuu ugu cad cad yahay xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa gaaraya Lix Musharax oo ay ku jirto Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana tartanka loo geli doono xilkan u yahay mid adag.
Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhacdo 12 bishan, waxaana isha lagu hayaa musharaxiinta ku loolamaya xilkan oo ku guda jira dadaalo iyo olole aad u xoogan.
Faarax Sheekh waxaa uu siyaasadda ku soo biiray 2012-kii, xilligaasoo uu noqday xubin baarlamaan, kadibna xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii u dambeeyay.
Ka hor inta aanu syaasadda soo galin, Xildhibaan Faarax waxa uu ka soo shaqeeyay hay’adihii sama falka ee dalka ka soo howlgalay, kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa uu madax ka ahaa Wakaalada Muslimiinta Afrika oo Soomaaliya ka hirgalisay xarumo lagu xanaaneeyo da’yarta agoonta ah, iskuulo iyo Xarumo quudin.
Waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Machadkii SIMAD oo markii dambe Jaamacad loo bedelay.
Faarax waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi af gaaban, ixtiraam badan, dadka dhageysta, waxaana tusaale loogu soo qaataa kaalintiisa wax ku oolka aheyd ee horumarinta Waxbarashada iyo dhiiri gelinta dadka inay isku tashtaan oo aanay waxba ka sugin gacmo shisheeye.
Dadka qaar ayaa aaminsan Xildhibaan Faarax inuu yahay shakhsi leh aragti fog oo siyaasadeed, isla markaana leh sifaadka lagu yaqaano hogaaminta.