Riqqa(INO)-Kooxda Daacish ayaa baraha Internetka ay ku leeyihiin ku baahiyay Fariin Cod ah uu soo diray Hogaamiyaha Dowlada Islaamiga Abuubakar Al-baqdaad oo mudooyinkii dambe xaaladiisa ay warar kala duwan kasoo baxayeen.
Fariinta Codka uu soo diray ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay Khubaro garanaya codka ninkaasi kuwaa oo sheegay in fariintan uu yahay mid xaqiiqo u dhaw usoo diray Hogaamiyaha Kooxda Daacish Abubakar Al-baqdaadi.
Abubakar Al-baqdaad ayaa bishii maarso ee sanadkan la sheegay in uu ku dhaawacmay Duqeyn ay geesteen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxaana waxii xiliagaa ka dambeeyay aan warkiisa la helin Hogaamiyaha Daacish oo marar kala duwan Warbaahinta warar kala duwan xaaladiisa ka qorayeen.
Fariintan codka uu soo duubay Hogaamiyaha Dowlada Islaamiga (Daacish) Sheekh Abubakar Al-baqdaadi ayaa meesha ka saaraysa Wararka la xariiray in uu geeriyooday ama uu qabo dhaawac halis ah, hasa ahaatee waxaa soo baxaya shaki la xariira in uu dhaawac gaaray maadaama aan lasoo bandhigin Muuqaalkiisa .
Codka uu soo duubay Sheekh Abubakar Al-baqdaadi oo soconaya 33-daqiiqo ayaan u muuqan nin qaba dhaawac culus , waxa uuna Fariintiisa qeyb kamid ah uga hadlay Duqeynta ay Dowlada Sacuudigu horboodeyso ee lagu hayo Dalka Yaman.
Kooxda Daacish ayaa fariintan Codka ah ugu tala gashay in ay meesha uga saarto wararka la xariira in uu dhintay ama uu qabo dhaawac halis ah qabo Hogaamiyahooda oo mudooyinkii dambe warkiisa la la’aa.
Idale News Online, Riqqa