Hiigsiga:Shacabka Soomaaliyeed 51% waxay door-bidayaan in wax lagu soo xulo Hab Beeleed

0
249

Muqdisho(INO) — Machadka cilmi-baarista Heritage ayaa maanta soo bandhigay natiijada cilm-baaris laga sameeyay magaalooyin Soomaaliya ka mid ah, taasoo ku saabsan qaabka lagu soo xuli karo xildhibaannada Somalia ee sannadka 2016-ka.

Cilmi-baaristaan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 14-kii October iyo 17-kii November 2015-ka, sida uu machadka Heritage ku xusay warbixin uu maanta kasoo saaray Muqdisho.

Xog-ururintan ayaa la sheegay inay ka qeyb-qaateen 1,287-qof. Kuwaasoo 360 ka mid ah ay deggen yihiin Muqdisho, 227 waxay ku nool yihiin Garoowe, 231 waxay ku dhaqan yihiin Koonfurta magaalada Gaalkacyo, 237 waxay ku nool yihiin Baydhabo iyo 232 ka mid ah oo deggen magaalada Kismaayo.

Cilm-baaristan machadka Heritage ay soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in 51% dadka ay sheegeen inay door-bidayaan odayaasha dhaqanka soo xulaan xildhibaanada imaanaya sannadka soo socda.

Dadkan xog-ururinta ka qayb-galay ayaa 27%  waxay soo jeediyeen inay door-doonayaan in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan xildhibaannada sidii ay u soo xuleen sannadkii 2012-kii oo kale, halka ku dhawaad afar meelood meel ay door-bidayaan in waxgaradka beeluhu ay soo xulaan xildhibaannada, sida cilmi-baarista lagu ogaaday.

Machadka Heritage ayaa xusay in hab xulida ku saleysan gobollada/maamul goboleedyada ama degmooyinka ay sidoo kale door-bidayeen qaar badan oo ka mid ah dadkii xogta laga ururiyay.

Warbixintaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 41% dadkaan ay door-bideen in lagu saleeyo degmooyin ama maamul goboleedyada/gobolada intii qabiil lagu saleyn lahaa, ku dhawaad afar meelood meel 22% waxay sheegeen inay doonayaan in degmooyinka lagu saleeyo soo xulidda xildhibaannada, halka 19% ay doorteen in soo xulista xildhibaannada lagu saleeyo maamul-goboleedyada.

Ugu dameyn, 79% dadkii xogta la weydiiyay ayaa sidoo kale ku raacay dowladda Somalia hadalkeedii ahaa in doorasho qof iyo cod aysan sannadka 2016-ka ka dhici karin Somalia.

Haddaba; SOO ROGO Xog-ururinta ay soo Bandhigtay Heritage oo Dhameytiran;

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here