Heshiiska Gaalkacyo oo maanta la dhameystirayo, Gaas iyo Guuleed oo socod ku maraya magaalada

0
254

Galkacyo(INO)— Heshiiskii arbacadii la soo dhaafay lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in la dhameystiro, lana kala qaado ciidamadii is hor-fadhiyay.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug oo shalay kulankii 3aad ku yeeshay garoonka diyaaradaha ayaa balan qaaday inay dhaqan gelin doonaan heshiiska, isla markaana ka dhabeyn doonaan balan-qaadkoodii ahaa in colaada la joojiyo.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Jubbaland, Odayaal, waxgarad iyo culumaa’udiin ayaa la isku waafaqay in la sii wado dadaalada, isla markaana laga shaqeeyo nabad, waxaana labada dhinac ay la kala hadleen taliyeyaasha ciidamada, isla markaana fareen in xabad joojinta la dhaqan geliyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya dowladda Federaalka ay kula xisaabtameyso Madaxda Puntland iyo Galmudug Mas’uuliyadda nabad ku wada noolaanshaha dadka Gaalkacyo.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda aanay marnaba ka tagi doonaan Gaalkacyo, illaa la xaqiijiyo nabadda, labada dhinacna ay adkeeyaan xasiloonida magaalada, dadkana ay dib u soo laabtaan.

Gaas-Guuleed1

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in Madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Jubbaland iyo guddiyada waan waanta ayaa waxay socdaal nabadeed ku marayaan waqooyiga iyo koofurta magaalada iyo goobihii lagu dagaalamay, si kalsooni nabadgelyo loogu muujiyo shacabkii ka qaxay magaalada

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa tagi doona dhinaca koofureed ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Galmudug, sidoo kale labada dhinac ayaa kulan kale isla maanta ku yeelan doona dhinaca waqooyi ee magaalada, kaasoo xoojin u ah heshiiska nabadeed.

Si kastaba ha ahaatee colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku barakacay illaa afartan kun oo qoys, halka dad fara badan ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen, kuwaasoo rayid iyo dhinacyadii dagaalamayay ka mid ahaa.

Gaas-GuuleedIdale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here