Hay’adda UNHCR ee QM u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ayaa Xukuumadda Kenya uga digtay daad gureynta Qaxootiga soomaalida ee ku sugan dalkaasi Kenya
Masuuliyiinta Hay’adda UNHCR ee Xarunta Kenya ayaa sheegay in Xukuumadda Kenya ay qorsheyneyso inay dalka soomaaliya dib ugu celiso dad gaaraya 56-kun oo Soomaalia ah oo u diiwan gashan hay,ada UNHCR
Masuuliyiinta Hay’adda ayaa sidoo kale Xukuumadda Kenya ugu baaqday inay joojiso daad-gureynta dadka Qaxootiga ah, waxa ayna sheegen in Xukuumadda Kenya ay ku qaldantahay dad gureynta dadkaasi Qaxootiga ah oo dalkooda dhibaatada ay ku habsatay
War-saxafadeed ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay in Hay’adda ay Bayaan ku socda Xukuumadda Kenya kasoo saari doonto Faragalinta Qaxootiga waxaana war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Malafaadkaasi loo gudbin doono Gabi ahaa Xarumaha QM, si wax looga qabto dhibaatada loo geysanaayo Qaxootiga soomaalida
Ugu dambeyntii Hay’adda ayaa dadka u diiwan gishan ku wargalisay inay ku sugnaadan goobahooda inta ay ka xaqiijinaayan xalinta Qaxootiga ee ku aadan joogista xirooyinkooda.
Idale News Muqdisho