Warbixin ay maanta oo Khamiis ah soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayay ku sheegtay in maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya ay tan iyo sanadkii 2011 ay xukunno ku ridday boqollaal qof oo Soomaali ah, kuwaas oo aysan xaq u laheyn maxkamadeyntooda, isla markaana loo maray sharciyo ka baxsan qaanuunka caalamiga ah ee caddaaladda.
Warbixin ka kooban 33 bog oo ay soo saartay HRW ayaa waxay ku dhaliishay hanaanka ay xukunada u fuliso maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaliya oo ay sheegtay inay fuliso xukuno aan cadaalad ahayn.
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in hay’adda oo la kulantay sodomeeyo ruux oo qaarkood ehelkooda ay maxkamadu xukuntay ay ku ogaatay in xataa dadka ay xukunto maxkamadu qarenadda u dooda aysan helin fursad ay ugu doodaan eedaysanayaasha ay difaacayaan.
Human Rights Watch waxay sheegtay in tan iyo sanadkii 2011 ay maxkamada ciidamada Soomaaluiya fulisay boqolaal xukun oo aan cadaalad aheyn habka loo marayna uu deg deg ku jiray.
Sanadkii lasoo dhaafay in ka badan 10 ruux ayay hay’addu sheegtay inay xukun dil ah riday oo qaarkoodna la dilay taasoo hay’addu sheegtay inay dhaawac ku tahay xeerka aas aasiga ah ee xaquuqda aadanaha.
Maxkamada ayay hay’addu sheegtay inay qaado dacwado loo haysto askar ciidamada dawlada ka tirsan iyo dadka lagu tuhmo inay Shabab ka tirsan waxaana ay talo ahaan usoo jeedinaysaa in kiisaska shaqsiyaadka aan cidamada ka tirsanayn loo wareejiyo maxkamadaha rayidka ah.
“Dhagaysiga dacwadaha loo haysto eedeysanayaasha waa inay ahaadaan kuwo lagu kalsoonaan karo qareenaddana fursad la siiyo si looga hor tago dhibaateynta xaquuqal Isnaanka. Waxaa sidaas yiri ku xigeenka agaasimaha hay’adda Human Rights Watch ee Africa haweeneyda la yiraahdo Leslie Lefkow, waxaana ay intaa ku dartay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u qaabeyn lagu sameeyo maxkamada ciidamada.
Leslie Lefkow, waxay xustay in inkastoo ay waqti qaadanayso dhisida hanaanka garsoorka dalka haddana loo baahanyahay in dhagaysiga kiisaska shacabka loo baahanyahay inay qaadaan maxkamadaha rayidka maxkamada ciidamadana ay qaado eedaha ciidamada loo haysto oo kaliya.
Warbixinta oo soo xiganaysa qareen Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay in gudoonka maxkamada ciidamada ay aaminsan yihiin inay yihiin kuwo awood leh oo ay adag tahay in racfaan laga qaato xukun ay rideen.
Dowladda oo beenisay eedaha
Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Liibaan Cali Yarow, ayaa eedahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uuna sheegay in hay’addaha aanay ka warqabin waxa ka socda gudaha Soomaaliya.
Sida warbixinta lagu xusayna, dowladda Soomaaliya iyo waaxdeeda garsoorka ayaa taageersan in dadka looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, lagu maxkamadeeyo maxkamadda ciidammada, maadaama maxkamadaha madaniga ah aanay ammaan ahaan ku habooneyn dhagaysiga dacwadaha noocaasi ah.
Balse Human Rights Watch, ayaa ku doodeysa in taasi aan loogu qiildayi karin ku xadgubka xaquuqda eedeysanayaasha ay u leeyihiin helitaanka dhageysi cadaalad ku dhisan.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in maxkamadda ciidammada ay dhawaan un bilowday in eedeysanayaasha ay u qabato qareeno, balse taasi wax badan kama aanay bedelin xaaladda, maadaama ayay tiri Human Rights Watch ay aad u yartahay tirada qareennada tababaran ee ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Huma Rights Watch ayaa ku talabixisay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerayaasheeda Beesha Caalamka in ay sameeyaan isbedellada ay ballaanqaadeen ee lagu hagaajinayo hannaanka caalaadda Soomaaliya, waxaana hay’addu ay Madaxweyne Xasan ugu baaqday in tallaabada ugu horeysa ee uu qaadayo ay noqoto joojinta fulinta xukunnada dilka ah ee ay maxkamadu riday.
Idale News Online, Muqdisho.