Guux ka dhex aloosan gudaha barlamaanka oo ku saabsan magaabista wasiir ku xigeenada

0
233

Ka dib markii  la shaaciyey magacayada wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada xukuumada Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya sheegeen iney ra’isal wasaaraha Soomaaliya uu hareer maray Dastuurka Federaalka marka uu magacaabyay Wassiir ku xigeenada iyo wasiiru-dawlayaasha Xumuumaddiisa.

Dulucda guuxa xildhibaanada yaa ku salaysan qodob dastuuri ah oo qeexaya in sharuudaha wasiir ku xigeenada lagarabo ay ka mid tahay in ay heestaan Shahaado Jaamcadeed.


Xildhibaan Dr. Ibraahim Suleymaan Nuur oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka hada iyo kii hore, islamarkaana ahaa wasiirku xigeenkii hore ee W/sarada Dastuurka aayaa sheegay in soo dhameystirka xukuumadda aan lagu saleynin dastuurka.

“Waxa aan haynaa dhowr qofood oo aan naqaano oo u Ra’isal wasaaraha u soo magacaabay iney xukuumadiisa ay kamid noqdaan, kuwaas oo aan haysan shahaado jamacadeed ama khibrad u dhigma” sidaa waxaa yiri Xildhibaan Ibraahim Suleymaan.

Isaga oo sii watay hadalkiisa xildhibaanku waxa uu yiri, (Sida ku cad dastuurka federalka  qodobkiisa 98-aad, farqadiisa 2, xarafka  B,  wasiirada, Wasiir-dawlayaal iyo wasiir ku-xigeenadda waa in ay heestaan shahaado jamacadeed).

Qodobka 98aad. Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

(1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:

  • (a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;
  • (b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.

(2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:

  • (a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;
  • (b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.

Idale News Muqdisho