Marka (INO)—Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh.Hoose, Ibraahin Aadan Najax ayaa waxuu ka hadlay ka bixintaanka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta ayaa Guddoomiye Ibraahin Aadan Najax waxuu ku tilmaamay dib u gurashada Xoogaga Dowladda Soomaaliya xeelad Dagaal.
Gudddoomiyaha ayaa intaasi waxuu ku daray in uusan ka walwalsaneyn Xaalada Magaalada Marka oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab, isagoona shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ku laaban doonaan.
Ciidamada Dowladda ee faarujiyay bartamaha Magaalada Marka ayaa waxey ku sugan yihiin sida la sheegayo Xero Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Marka.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in Xalaada aman ee Gobolka ay tahay mid hagaagsan xili Shalay Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Laanta-Buuro.
Xoogaga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa mararka qaarkood waxey baneeyaan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay