Gudoomiyaha degmada Baydhbo Oo Ka Hadley Wareegtada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
219

Baydhabo(INO)-,Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay C/laahi Cali watiin ayaa maanta ka Hadley wareegto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden Taasoo lagu amraayo dhamaan Dadka degan guriyihii iyo dhulalkii Dowladdii Hore ee Soomaaliya inay isaga baxaan mudo 30 Maalmood gudahood.

watiin

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa Sheegay in wareegtani maamulkiisa uu dhaqan galin doono isla markaana dadka Degan Guryahaasi ku qasbi doonaan inay isaga huleelaan Mudo Gaaban isla markaana waxaa  sidoo kale uu ku amray dadka  sida sharci daroda ah ee u dhistay wadooyinka Magaalada Baydhabo inay ka burburi doonaan.

“ Wareegtada Madaxweynaha waxa ay khuseysa Dadka Haysta Guryaha Dowladda,  waxaa la ogaahiyey Laamaha ay ku khuseyso, ka maamul Degmo Ahaan, waxaan  talaabo ka qaadi doonaan cidii Ka dhega adeegto amar Dowladda koonfur Galbeed, dhulalkaasi 25 ka dib waxaa u baahan Dowladda KGS, waxa lagu sameeyn doonaa dayactir ballaaran, waxayna qiib ka qaadan doonaan Bilicda Degmada Baydhabo” ayuu  yiri Gudoomiye C/laahi Cali Watiin.

Dhan kale Gudoomiyaha Degmada Baydhabo waxa uu si adag ugu Hadley dadka dhistey wadooyin Degmada Baydhabo inay talaabo dag oo sharciga waafuqsan ay ka qaadi doonaan isla markaana lana burburi doono gurigii soo gallo wadada.

“ Qaar ka mid dadka magaalada waxay wadada soo martaa gurigooda hortiisa ay ka qotaan Boosaneero, qaarna waxay ka dhisteen Dabakaayo,lama oglo in la dego wadada dhexdeeda, taasi waxay keeneysa Ciriiri iyo inay xumaato bilicda Magaalada,waxaan dajin doona qorshe cusub oo lagu hagaajin doono Bilicda Magaalda, waxaa farayaa Dad weynaha Degmada in aysan dhisan wadooyinka” ayuu yiri Mar kale Gudoomiye Watiin.

Ugu dambeyntii,Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxa lagu ku arkaya meelo  badan oo wadada dhexdeeda ah oo la degan yahay iyadoona laga dhistay Dabakooyo ama lagu iibinaayo alaabo isla markaanaWadooyinka qaar ay yihiin kuwo cariir ku ah maritaanka dadweynaha iyo Garaawir, gaar ahaan Suuqa Khudaarta Ee Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Baashaa@www.idalenews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here