Kulanka dhexmarey Prof Jawaari iyo xubnaha aqoonyanada ee ka kala yimid Midowga Yurub, Mareykanka iyo gudaha Turkigaba ayaa lagu lafagurey arrimo ay ka mid yihiin dedejinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, horumarnta gobolada koonfur galbeed, taageerada qowmiyada Digil iyo Mirifle ee shirka Soomaalida ee London ka dhici doona bisha May iyo guud ahaan doorka dowlada ee dhismaha maamul u sameynta dalka iyo Midnimada dalka.
Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa aad ugu riyaaqey talosoo jeedinta iyo aragtida aqoonyahanada, waxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la iska kaashado adkeynta nabadgelyada, isla markaasna xooga la saaro sidii loo mideyn lahaa dadka deegaanka ku wada nool iyadoo laga ambaqaadaayo nabadeynta deegaanada taasoo suurtogalineysa in la dhiso maamul cadaalad ku dhisan dadkuna ay ka wada muuqdaan, ugu dambeyntiina horseedi karta gargaarka iyo mashaariicda kale ee horumarinta dalka in la gaarsiiyo guud ahaan tuulo iyo deegaan kasta.
Idale News Ankara, Turkey