Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegey in loo baahan yahay in la difaaco Qaranimada Dalka

0
209

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in dawlada ay u taallo difaaca qaranimada iyo madax bannaanida dalka isagoo dhanka kalana ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo.

Prof Jawaari oo si hordhac ah baarlamaanka uga waramay kulanka berito la isu diyaarinayo ee lagu wado in xukuumadda cusub kalsoonida ku weydiisato baarlamaanka, ayaa sheegay in dawlada looga baahan yahay inay ilaaliso qaranimada wadanka.

“Waa waajib in wixii dhaawacaya qaranimada iyo madax bannaanida laga hortago oo la difaaco qaranimada Soomaaliyeed…” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Kismaayo yaa ka taliya?

Prof Jawaari oo ka hadlay wararka sheegaya in wafdi dawladu  u dirtay magaalada Kismaayo ay soo celiyeen ururka Raskambooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanka uu ka rabo madaxweynaha dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu baarlamaanka hor yimaado si loo weydiiyo xaalada Kismaayo iyo wafdiga laga soo celiyey halkaasi maalintii Arbacadii. [HALKAN KA AKHRI XUBNAHA WAFDIGA IYO UJEEDADIISA]

“Arinta Kismaayo waxaana magaca baarlamaanka ku weydiisanayaa madaxweynaha inuu baarlamaanka yimaado oo nooga warbixiyo bal sida dhacadadaasi [soo celinta wafdiga] ay u dhacday..” ayuu sii raaciyey afhayeenka baarlamaanka.

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya oo Idale News maanta la hadashay ayaa sheegay inay aad uga niyad jabsan yihiin wararka sheegaya in ciidamada Kenya aysan ka amar qaadin taliska AMISOM halka ciidamada Raskambooni ay hadda u muuqdaan maleeshiyo aan ku hoos jirin taliska dawlada Muqdisho, taasina ay dhibaato ku tahay sugida amaanka dalka. [DAAWO SAWIRO CIIDAMADA RASKAMBOONI]

“.. Waad la socotay in Arbacadii markii wafdigii uu madaxweynuhu diray la soo ceyriyey inuu madaxweynuhu u yeeray taliyaha guud ee AMISOM uuna weydiiyey in taliyaha ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo uu tafaasiil ka bixiyo sababta ishortaaga loogu sameeyay wafdiga, taliyuhuna waxaa uu cadeeyay in ciidamada Kenya ee meesha [Kismaayo] jooga aaney amar ka qaadanin” sidaasi waxaa Idale News maanta u sheegay mid ka mid ah xildhibaanada oo aan rabin in warbixintan magaciisa loo adeegsado.

..”Markaa hadda waxay arimuhu taagan yihiin horta yaa Kismaayo ka taliya? ma dawladaa ka talisa mise Kenyanka iyo maleeshiyada Raskambooni illeen anagu ciidan dawladeed meesha kuma ogine..” ayuu sii raaciyey xildhibaanka hadalkiisa.

Codsiga gudoomiyaha baarlamaanka uu ugu yeeray madaxweynaha inuu hor yimaado baarlamaanka ayaa ah markii ugu horeysay oo baarlamaankan uu ka hadlo arimaha gobolada Jubbooyinka oo waayadan dambe ay xiisad weyn ka aloosan tahay gaar ahaan dawlada iyo ururka Raskambooni oo u muuqda inay isku khilaafsan yihiin arimo badan oo gobolkaasi ka jira.

Mudanayaasha baarlamaanka laftooda ayaa ku kala aragti duwan sida loo wajahayo arimaha Kismaayo, walow ay hadda jirto aragti ah inaan la ogolaan karin hab isbabaryaac ah oo ka soo cusboonaada gobolada dalka ee laga saaray Al-Shabaab.

Dhoofka dhuxusha muxuu baarlamaanka ka qabaa?

Gudoomiyaha baarlamaanka oo sidoo kale ka hadlay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya guud ahaan ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay in dhuxul aad u fara badan ay hadda ka dhoofeyso dekedaha Kismaayo iyo Baraawe isagoo dawladana ugu baaqay inay soo cadeyso tallaabada ay ka qaadeyso dhirta loo bedelayo dhuxusha ee dibadda loo iibgeynayo iyo dadka ku lugta leh.

“Dhuxusha iyo dhirta in la jaro oo la dhoofiyo waa mamnuuc, waxaa jira sharciyo fara badan oo laga soo bilaabo illaa 1965-kii soo jiray oo diidaya dhuxusha laga gooyo geedaha iyo xaalufka deegaanka, marka xukuumada waa inay noo keento barnaamij ay arintaasi wax kaga qabaneyso”, ayuu yiri afhayeenka oosidoo kale ku daray in Qaramada Midoobay ay xayiraad illaa hadda ku heyso dhoofinta dhuxusha.

Wuxuu sheegay in warar ka soo gaaray Kismaayo ay sheegayaan in dhuxul fara badan laga dhoofinayo dekeda Kismaayo.

Madaxtooyada oo dacwad u gudbisay Midowga Afrika

Dhanka kale, ilo wareed ku dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa Idale News u xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu ashtako rasmi ah u diray sarkaalka ugu sareeya Midowga Afrika Aboubacar Diyara isagoo weydiistay in Midowga Afrika uu jawaab ka soo bixiyo awooda ciidanka Kenya iyo cida ay kaga amarqaataan hawlgalka Soomaaliya.  Mr Diyara oo isaga laftiisa bisha Febraayo ee soo socota ay kaga eg tahay xilka uu ka hayo xafiiska Midowga Afrika, ayaa laga filayaa inuu Muqdisho soo gaaro usbuuca berito bilaabanaya uuna la kulmo madaxweynaha.

Dwladu waxay ku eedeysay ciidamada Kenya inay arimaha gobolada Jubbooyinka kala xiriiraan cid aan dawlada ka amarqaadanin isla markaana Kismaayo ay ka dhigayaan meel ay jabhado ka taliyaan.

Ashtakada madaxweynaha ayaa timid kadib markii gelinkii dambe e Arbacadii uu madaxweynuhu la kulmay taliyaha guud ee ciisamada AMISOM Jen Andrew Gutti oo laftiisa ka cawday hab dhaqanka ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo.  Kulankaasi waxaa laga soo wariyey saraakiisha Villa Soomaaliya inaanu wax natiijo ah keenin.