Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta xarunta golaha shacabka kulan kula qaatay boqolaal ruux oo ka kala socday ururrada shaqaalaha dalka kuwaasi oo uu ka dhageystay baahiyada ay qabaan.
Kulankan uu maanta la qaatay kusimaha Madaxweynaha ahna gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhowaad 200 ruux kuwaasi oo kala metelayey ururrada shaqaalaha dalka.
Ugu horeyn Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo furitaanka kulanka hadal ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey kasoo qeybgalayaasha sida ay u ogolaadeen casuumaad uu u fidiyey waxaana uu Gudoomiyuhu sharaxay ujeedada kulankii maanta.
Qaar ka mid ah xubnaha kulanka kasoo qeybgalay oo madasha ka hadlay ayaa iyana soo gudbiyey cabasho kala duwan oo heysata taasi oo la xiriirtay dhibaatooyin joogta ah oo ay sheegeen iney kala kulmaan howlahooda shaqo waxaana Aragtidaasi iyo cabashooyinkaasi kala duwan ee ay jeediyeen kadib ayey xubnihii kulanka ka hadlay sidoo kale weydiiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka su’aallo la xiriiray sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka heysta.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed islamarkaana kulanka uga hadlay farshaxamiistayaasha Soomaalida ayaa sheegay in farshaxanka uu ka mid ahaa wax soo saarka dalka isagoo tusaalena usoo qaatay sameynta dharka Aliindiga oo uu sheegay in markii hore si weyn loo isticmaali jirey balse hada uu lumay.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa gunaanudkii waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha kulanka kasoo qeybgalay in mar walba ay muujiyaan adkeysi iyo dulqaad sidoo kalena waxa uu kula dardaarmay in waxyaabaha lagu ballamay si loo fuliyo ay kulamadu noqdaan kuwo joogto ah,Allena waxa uu ka baryey in dhibaatada uu naga dul qaado.
Kulankan ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan ayadoo dhinacyadii ka qeybgalayna ay aad ugu faraxsanaayeen iney madaxda dalka la kulmaan toosna ay su’aallo u weydiiyaan balse kulankan maanta ay qeyb ka ah kulammo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada isagoo horeyna ula kulmay Ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka.
Idale News Muqdisho