Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo socdaal ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa maanta booqday xarummo muhiim ah oo ku yaala magaalada ayadoo xarumahaasina ay ka mid aheyd jaamacadda Jigjiga oo arday Soomaaliyeed si lacag la’aan ah wax uga bartaan.
Booqashadan waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku wehlinayey Marwada Gudoomiyaha Marwo Xaawo Ibraahim Aadam,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia oo kala ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka ahna hogaanka nabadgelyada C/laahi Yuusuf Weerar,Madaxweyn ku xigeenka ahna Wasiirka Caafimaadka C/Fitaax Maxamuud Xasan,Wasiirka Warfaafinta,Wasiirudowlaha,Maareeyaha guud ee Wakaalladda Warbaahinta,Wasiir ku xigeennada,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Maalliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Ugu horeyn booqashada waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka bilaabay Jaamacadda Jigjiga oo ka mid ah Jaamacadaha gobolka ugu ballaaran maadaama ay jaamacadaasi wax ka bartaan Arday tiradoodu gaareyso 15,000(Shan iyo Toban kun)kuwaasi oo ay ku jiraan Arday Soomaaliyeed oo si lacag la’aan ah wax loo baro waxaana uu ugu horeyn Gudoomiyaha Warbixinno ka dhageystay maamulka Jaamacadda oo iyagu sheegay iney jaamacadda Jigjiga Ardayda wax ka barata kasoo kala jeedaan qowmiyaddo kala duwan balse luqadda wax lagu baro ay tahay Afka Soomaaliga.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu arko Arday Soomaaliyeed oo si lacag la’aan ah wax uga baranaya deegaannada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia talaabadaasina ay tahay wax looga mahad celiyo mas’uuliyiinta maamulka dowlad deegaanka waxaana uu ka codsaday Gudoomiyaha maamulka Jaamacadda iney badinayaan fursadaha waxbarasho ee ay siinayaan Ardayda Soomaaliyeed isagoo si gaar ahna maamulka Jaamacadda ugu ammaanay in Afka Soomaaliga ay weyneeyeen maadaama ay Jaamacadda Jigjiga tahay jaamacadda kaliya ee afka Soomaaliga wax lagu barto.
Kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu kusoo wareegay qeybaha kala duwan ee ay ka koobanyihiin dhismayaasha Jaamacadda Jigjiga oo aad uballaaaran waxaana uu si gaar ah ula kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Jigjiga sida lacag la’aanta ah wax uga barata kuwaasi oo iyagu Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa fiyooreyaal ama ubaxyo qoorta u suray waxaana Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ay dhir ku talaaleen gudaha dhismayaasha Jaamacadda Jigjiga kadib markii ay maamulka Jaamacadda ka codsadeen arintaasi.
Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa waxey markaasi kadib booqdeen Koleejka tababarka Macalimiinta Jigjiga halkaasi oo gudoomiyuhu kula kulmay macalimiinta iyo maamulka Koleejka isagoo sidoo kalena ka dhageystay warbixinno ku aadan qaabka uu Koleejkaasi u shaqeeyo ayadoo macalimiinta warbixinnada siinayey Gudoomiyaha ay u sheegeen in luqadda koobaad ee ay ahmiyadda siiyaan islamarkaana wax lagu barto ay tahay Afka Soomaaliga,kadibna Gudoomiyaha waxa uu mid mid u kormeeray fasallada uu koleejka ka koobanyahay oo uu ku arkay in Af-Soomaaliga wax lagu baranayo.
Intii Koleejkaasi uu ku sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaa lagu soo dhaweeyey ciyaarro kala duwan oo Hidaha iyo Dhaqanka ayadoo ay xusid mudantahay in goob walba oo uu Gudoomiyuhu tago ay dadka ku sugan kusoo dhaweynayeen ciyaarraha Hidaha iyo Dhaqanka.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa booqday Koleejka tababarka Caafimaadka Jigjiga halkaasi oo ay wax ku bartaan Arday Soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala yimid gobollada Dalkeenna waxaana Gudoomiyaha iyo wafdiga la socday lagusoo dhaweeyey Caleemmo qoyan ayadoo ay maamulka Koleejka Gudoomiyaha u sheegeen in Ardayda koleejkaasi hada wax ku baraneysa ay yihiin 2,450 (Laba kun, Afar boqo iyo konton) horeyna ay Ardaydii wax ka baratay qaarkood hada yihiin dhaqaatiir u adeegaya dadkooda.
Markii uu Gudoomiyaha kusoo wareegay qeybaha uu koleejkaasi ka koobanyahay oo qaarkood ay Arday ku qaadanayeen tababarro waxa uu kulan gaar ah hool ku yaala Koleejka kula qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee Koleejkan waxbarata kuwaasi oo iyagu Calanka quruxda badan ee Dalkeenna lulayey waxaana markii uu Gudoomiyaha galay hoolka ay Ardaydu u qaadeen Astaanta Qaranka Dalkeenna ayadoo ay xusid mudantahay Ardayda goobtaasi ku sugneyd ay ka muuqatay shacuur wadaniyadeed oo xitaa qaarkood markii Astaanta Dalkeenna ay qaadayeen goobta ka ilmeeyey.
Ugu horeyn qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin isbedelka hada ka muuqanaya Dalkeenna ee dhanka hormarka ah waxaana ay Madaxda Sare ee dalka ku booriyeen iney si caddaallad ah ugu adeegaan shacabkooda oo ay fuliyaan dhaartii ay dhaarteen ayagoo sidoo kalena mahad celin weyn u jeediyey madaxda iyo shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia sida hagar la’aaneed ee ay usoo dhaweeyeen islamarkaana u siiyeen fursadahan waxbarasho,gudoomiyahana waxey uga mahad celiyeen booqashadiisa maadaama uu yahay mas’uulkii ugu horeeyey ee ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ardaydan soo booqda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo Ardayda Khudbad u jeediyey ayaa tilmaamay ugu horeyn in wax lagu farxo ay tahay in Arday Soomaaliyeed oo intaan le’eg ay Jigjiga wax ku baranayaan waxaana uu Ardayda ku booriyey iney sii wadaan dadaalkooda waxbarasho ayna xasuusnaadaan mar walba iney yihiin Madaxda berri ee dalka iyo dadka hogaamin doona.
Ugu dambeynna waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari booqday koleejka Tababarka Farsamada Gacanta Jigjiga iyo Isbitaalka guud ee Jigjiga oo dhismihiisa dhowaan la hirgeliyey waana isbitaal aad u ballaaran oo dhismihiisa ay ku baxday lacag gaareysa Toban Milyan oo Doollar.
Si kastaba magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia waxaa ka muuqanaya hormar aad u ballaaran waxaana dadka magaalada ku dhaqan ay inoo sheegeen hormarkan uu yahay mid sanadahii ugu dambeeyey ku socday si dar dar leh ayadoo kaalin weyn ay ku leeyihiin bilicda Jigjiga ka sokoow maamulka dowlad deegaanka shacabka deegaanka kasoo jeeda oo badankood qurbaha ugasoo laabtay iney deegaankooda maalgashi ku sameeyaan.
Idale Nws Muqdisho