Munaasabad aad u ballaaran oo lagusoo bandhigay warqadda ruqsada lahaanshaha milkiyadda dhulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka oo lagu guuleystay maalinnimadii shalay aheyn in si rasmi ah ay safaaradda ugusoo wareejiso Wasaaradda Dhulka ee Dalkan Kenya ayaa maanta lagu qabtay dhismaha Safaaradda Soomaaliya oo ku yaala magaalada Nairobi kaasi oo dhowaan laf ahaantiisa lagu guuleystay soo celintiisa.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Kenya, mas’uuliyiinta Safaaradda oo uu hogaaminayey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,Ganacsato,Waxgarad, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladan Nairobi.
Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Xaaji Maxamed Gaange oo isagu ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee ganacta ka geystay in dhulkii Safaaradda dib loosoo celiyo waxaana uu xaajiga ku ammaanay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkan Kenya sida uu ugu dhabar adeeygay soo celinta dhismahan iyo dhulka isagoo sidoo kalena ka sheekeeyey halgankii loosoo maray soo celinta hantida Qaranka.
Madaxii hore ee Somali Airline Maxamed Maxamuud Guuleed oo isaguna munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku tilmaamay guul labaad oo umadda Soomaaliyeed usoo hooyatay in la helo warqadda ruqsada cadeyneysa in dhulkan dib dhowaan loosoo celiyey ay Soomaali leedahay waxaana uu arintaasi ugu hambalyeeyey guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo safiirkii dadaalka dheer ku bixiyey ee Danjire Maxamed Cali Ameeriko.
Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi oo isaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa tilmaamay in mar hadii guusha koobaad la gaaray oo dhismihii,dhulkii iyo cadeyntiiba gacanta umadda Soomaaliyeed ay kusoo laabteen waxa xiga ee la iska doonayo ay tahay in dib u dhis lagu sameeyo dhismihii safaaradda dib u dhiskaasina si gaar ah loogaga fadhiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee hantida ku leh Islii.
Xoghayaha ganacsatada Soomaaliyeed ee Islii Maxamed Maxamuud Guutaale oo isaguna munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa tilmaamay in ganacsatadu ay billad sharaf gudoonsiineyso safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkan Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko sida uu had iyo goor ugu taaganyahay danta umadda uu safiirka u yahay dhanka kalena waxa uu xusay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin iney kaalinta ugu weyn ka geystaan dib u dhiska dhismaha Safaaradda.
Billad sharafta ay ganacsatadu usoo garteen safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa goobta lagu gudoonsiiyey ayadoo mas’uuliyiinta iyo bulshadii kala duwaneyd ee Munaasabadda kasoo qeybgashayna ay wada qireen in safiirku uu mudanyahay biladda la gudoonsiiyey.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa faah faahiyey halgankii adkaa ee loosoo maray soo celinta dhismaha iyo dhulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkan Kenya waxaana uu safiirku rajo ka muujiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dhis loogu sameeyo dhismaha Safaaradda oo hada burbur xoogan uu ka muuqdo,sidoo kalena safiirku waxa uu goobta ka xusay in soo celinta hantida Qaranka uu kaalin mugleh ku lahaa Qunsulkii Safaaradda ee geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamed Aadan Edson.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa isna dhankiisa ku ammaanay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo shaqsiyaadkii kala shaqeeyey sida ay isugu taageen in hantidii la dhacay ay gacanta umadda Soomaaliyeed kusoo celiyeen waxaana uu dhanka kale gudoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay in dhammaanba hantida ay Soomaali leedahay ee horey loo dhacay sidan si la mid ah loosoo celinayo.
“anaga hadii aan nahay golaha shacabka waxaa naga go’an in dhammaanba hantida maguurtada ah ee ay Soomaali leedahay ee horey loo dhacay lasoo celiyo sida aad ogtihiinna waxaa intii uu kala fadhiga furnaa aan Baarlamaanka ugu yeernay Ra’isulwasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda kadib markii ay qaar ka mid ah jaalliyadaha nasoo gaarsiiyeen in safaaraddaha dhismooyinkooda la iibsaday ama la kireystay, kuwa horey u damaaciyoow hadaba waan idiinku soo soconaa ee inta aynaan idin ceebeyn iskasoo wareejiya”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.
Munaasabaddan ayaa ka dambeysay kadib markii maalinnimadii shalay aheyd dadaal dheer kadib lagu guuleystay in gacanta Safaaradda ay soo gasho warqadda ruqsada cadeyneysa in milkiyadda dhulka Safaaradda ay Soomaali leedahay ayadoo horeyna uu safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkan Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameeriko ugu guuleystay inuu dib ugasoo celiyo dad si qalad ah looga iibiyey dhulka safaaradda.
Idale News Muqdisho