Gudiyo loo saaray inay kala qaadaan dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo

0
239

Gudiyo ka kala socda Raaskambooni iyo ciidamada dowladda ayaa loo saaray inay kala qaadaan dhinacyadii Sabtidii ku dagaalamay magaalada Kismaayo, iyadoo xaalada magaalada ay aad u degan tahay.

Sida ay sheegayaan wararka gudiyadan oo labaatan xubnood ah ayaa 10-ka mid ah ay yihiin saraakiisha Raaskambooni iyo ciidamada dowladda, waxaana ka mid ah odayaal iyo waxgarad labada maleeshiyo beeleed ka soo kala jeedaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Aadan Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay inay socdaan dhaq dhaqaaqyo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada, isagoo xusay in labada dhinac ay isla gartaan inay soo xulaan 10-sarkaal oo kor kala socda ololaha ay wadaan odayaasha iyo waxagarda.

Waxaa uu sheegay in maanta ama berri laga soo saari doono go’aano cad cad ah oo xal looga gaarayo dagaalkii dhowaan ka dhacay Kismaayo, waxaana uu ku baaqay in la soo dhoweeyo ololaha nabadeed ee socda.

Kulamo iyo dadaalo lagu qaboojinayay xiisada Kismaayo ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ka soconayay Kismaayo, Muqdisho, Nairobi iyo Gobolka Gedo, waxaana soo baxayay baaqyo lagu dalbanayay in xiisada lagu qaboojiyo.

Koox Wariyeyaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in xaalada tahay mid degan, balse wali magaalada uu dareen ka jiro, hase ahaatee dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka magaalada ay caadi yihiin.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa kala dhex galay labada dhinac ee ku dagaalamay magaalada, waxaana ciidamadooda ay gaaf wareegayaan goobihii lagu dagaalamay.

Idale News Muqdisho