Qaar kamid ah xubnaha gudiga maamul u sameynta deegaanada gobolada jubbooyinka ayaa waxay gaareen deegaano katirsan gobolka Gedo halkaasi oo ay doonayaan inay kula soo kulmaan dadka deegaanka.
Gudiga ayaa waxay qorsheynayaan inay kulanka dib dadka deegaanka ka dhaadhicin doono qaabka ugu sahlan ee maamulka loogu sameyn karo deegaanada gobolada Jubbooyinka.
Inkastoo dadaaladaasi ay socdaan ayaa hadana mid ka mid ah xubnaha gudiha maamul usameynta Jubboyinka wuxuu sheegay in caqabado badan oo jiro dartood aan maamul iminka loo sameyn karin.
Cali Xasan Deer ,oo ka mid ah xubnaha ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaano badan oo ku yaala Jubbooyinka iminka gacanta ay ku hayaan Alshabaab aysan suurto gal aheyn in waqtigaan maamulka loo sameeyo.
Labadoo todobaad ee lasoo dhafay waxaa socday kulamada kala duwan ee maamulka loogu sameynayo deegaanada gobolada Jubboyinka.
Idale News Muqdisho