Urur goboleedka IGAD oo ku howlan maamul u sameynta JubbaLand oo ka kooban labada Jubbo iyo Gedo ayaa maalmaha soo socda bilaabi doona safaro wadatashi oo dhinacyada ay howshaani quseeyso ugu tagi doona magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ka hor inta aan la qaban shirweyne guud oo dadka deegaanka jubooyinku yeesheen bilowga bisha December ee sanadkaan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in Gudigaan oo casumaad rasmi ah ka heley Dowlada Federaalka ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Feederaalka Mudane Xaan Sheikh iyo Raysal wasaaraha Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Kulamadaas ka dib waxay u gudbi doonaaan Magaalada Kismaayo, Gudiga oo hada Nairobi ku sugan waxay Muqdisho ku wajahan yihiin maalmaha soo socda.
Gudiga ayaa lagu sameeyey shirka Nairobi uga socda Jubooyinka iyo Gedo, waxaana loo xilsaarey arimaha maamul u sameynt Goboladaas, gudiga shaqadoodu ugu horeysa ayaa lagu tilmaamey iney Kismaayo ku qabtaan shirwayne aykasoo qayb gali doonan ku dhowaad 530 Ergo, si maamul rasmi ah oo loo dhan yahay loo sameeyo.
Xafiiska Warqabadka Idale News ee Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com