Baydhabo(INO)- Gudiga Gollaha Wasiirada Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Loo xilka Saarey Maareynta Masiibooyinka uu geystey roobab Badan oo ka da’eey Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dhawaan Sheegeen Inay bilaabayaan Qiimeynta Dhibaatada hantiyeed iyo nafeed uu geystey Robabka Deyrta Oo inta badan uu ku da’ey Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaaliya.
Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshadda Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegey in Gudiga Gollaha Wasiirada ah ee dhawaan loo xilka saarey qorshahaasi ay bilaabayaa baaritaano ku aadan burburka iyo khasaarihii ka dhashey robabka, iyadoona Degaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya la soo sheegaayo in daadadka ay la tageen Caruur iyo Xoolaha Nool.
“ Gudigu waxa uu bilaabaya shaqadii Loo Xil Saarey oo ah Maareynta Masiibadii uu Galaaftay robabka, in badan Gobolada Bay iyo Bakool aad uu ugu da’ey Roobku meel badana Khasaare ayuu ugu geystey, dhanka Gobolka Shabellaha hoose waxaa laga Cabsi qabaa inuu webiga Shabelle uu sameeyo fatahaad, qiimeyn ayaan ku sameyn doona, tallo bixin iyo wacyi-galin” ayuu yiri wasiir Ugaas Xasan Cabdi Maxmed.
Ugu dambeyntii, robabka deyrta, ayaa si weyn ugu curtey Gobolada Dalka Soomaaliya gaar ahaan, meelo badan oo ka tirsan KGS waxa u geystey khasaare Nafeed iyo Mid hantiyeeba, isla markaana waxa laga digey inay dunto buunda weyn Ee isku xirta Degmada Buurhakaba iyo Magaalada Muqdisho taasoo hal bowle u ah isu socodka Ganacsiga Guud ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo