Guddoomiye ku Xigenka Dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Bay oo ka Digay Lacago Been Abuur ah oo Gobolka soo Galay

0
247

Maxamed Ibraahim Guddoomiye ku Xigeenka dhinaca Maaliyadda ee maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka bay ayaa ka hadlay Lacago la sheegay in ay yihiinBeen abuur oo sida daadka ugu soo fatahay Gobolkaas.

Maxamed Ibraahim oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan Lacago Faalsa ah oo Gobolka uga yimid dhinaca Gobolka Hiiraan waa siduu hadalka u dhigaye taasoo kaga digay Shacabku in ay Isticmaalaan.

Ibraahim ayaa xusay in Ciidamada amaanka ee Gobolka ay sameyn doonaan hawl galo ay ku soo Ururinayaan Lacagahaas Been abuurka ah ee soo galay Gobolkooda isagoo si gaar ah Ganacsatada ugu sheegay inaysan qaadan lacagahaas.

Gudoomiye ku Xigeenka ayaa ka codsaday Shacabka iyo Ganacsatadaba in ay soo sheegaan ama ay Ciidamada ku soo war geliyaan haddii ay arkaan lacagahaas faalsada ah ee haatan suuqyada dhex heehaabaysa..

Maxamed Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in lacagahan Been abuurka ah ee haatan soo gaaray Gobolka in ay halis ku yihiin Dhaqaalaa Gobolka isla markaana ay keenayaan Sicir barar ku dhaca maciishadda iyadoo haatanba dadku la daalaa dhacayo hoos u dhaca ku yimid Lacagtii Doolarka hayd.

Guddoomiye Ku Xigeenka maamulka dawladda ee Gobolka Bay ayaa Digniin kulul u diray Dad uu sheegay in ay iyagu ka danbeeyaan Lacagahaas Gobolka la soo galinayo isagoona ku hanjabay in Tallaabo culus ay ka qaadayaan cid walba oo ay ku arkaan Lacagahaas la soo galinayo Gobolka bay.

Hadalkan maamulka Gobolka bay ayaa imaanaya xilli maalmihii u danbeeyay qayla dhaan xooggan ay ka soo yeereysey maamulka Gobolka Hiiraan kaasoo ka deeyrinayay ama ka digayay lacago la sheegay in ay yihiin been abuur oo Goblkaas si xooggan u soo galay.

Si kasta ha ahaatee Lacagahan ayaa wixii ka danbeeyay bur burkii Xukuumaddii dhexe waxa ay faro ba’an ku hayeen suuqyada kala duwan ee dalka gaar ahaana Magaalada Muqdisho oo xiligan ay ka shaqeeyaan Lacago kala duwan oo dawladdii dhexe kaddib Maamulo kala duwan ay soo geliyeen.

Idale News Muqdisho