Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka

0
240

Kadib kulan uu maanta kula yeeshay  xafiiskiisa duqa magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayey ku booriyeen dedaalka uu ka wado magaalada Muqdisho iyo sida uu uga dhigay meel wada ifeysa.

Odayaashani oo ka mid ahaa kuwii soo dhisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay balan qaadeen in cid waliba oo ka soo baxda howlaha loo igmaday ay garab istaagayaan oo ay ammaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa Duqa magaalada Muqdishana uu  yahay ruux gutay waajibaadkii ka saarnaa xilka uu u hayo Shacabka magaalada Muqdisho ku nool.

Odayaasha oo qaar ka mid ah hadalo u badan guubaabo ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” in uu sii wado dedaalka iyo halka uu la doonayo magaalada Muqdisho.

Ugu danbey gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan oo ka hadlayay kulanka uu la qaatay odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in ay casuumaaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed isagana uu gogosha dhigayo si loo dhameeyo inta mad madoowga jira waxaana uu magaalada Muqdish ku tilmaamay in ay tahay Caasimadii dalka hadii ay ammaan noqotana dalka oo dhami uu noqonayo mid wada ammaan ah.

Dhanka kale waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir siminaar socday 15-cisho oo lagu baranayay nidaamka Casirga ah ee Computersadika ah loogu soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada hoose ee Xamar,waxaana shahaadooyin lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalahaasi siminarka loo soo xiray.

Maxamuud Axmed Nuur  Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo soo xirayay siminaarkani ayaa waxaa uu uga mahad celiyay hay’adaha soo agaasimay isagoo ku tilmaamay horumar looga gudbayo culesyo jiray.

Bogaadinta iyo ammaanta ay maanta u soo jeediyeen odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed qaar ka mid ah ayaa waxaa uu imaanayaa xili maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleeystay tilaabadii looga dhigayay magaalada mid wada ifeysa oo looga baxayay Mugdiga isla markaana dib loogu soo celinayay bilicdii ay magaalada Muqdisho lahaan jirtay Bari Samaadkii.

Idale News  Muqdisho