Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Madaxweynaha kala hadli doona Buuqa Siyaasadeed ee mudooyinkaani soo ifbaxaayo

0
204

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof Maxamed Cismaan Jawaari lagu wado inuu kulan la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud isaga oo kala hadli doona Buuqa Siyaasadeed ee mudooyinkaani ka dhex aloolsan Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha xukuumadda.

Guddoomiyaha ayaa la filaaya in Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha uu dhex dhigo Dastuurka isaga oo qodob qodob u tusi doona Qodobadda kala xakumaaya Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha oo mudooyinkaani aan u kala socneyn qaabilaada Madaxda caalamiga ee booqashada u imaanay Magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Raisul wasaare Shirdoon ayaa isku haysta Nidaamka Dastuurka uu qeexaayo marka leysugu imaado qaabilaada Madaxda caalamka waxaana jira isbar-bar yaac laga dareemayo xafiiska Madaxweynaha iyo kan Raisul wasaaraha oo aan u kala socneyn sidii ay u kala qeybsan lahaayen la kulanka Madaxdaasi iyaga oo mid waliba doonayo inuu madaxdaasi xafiiskiisa ku qaabilo hayeeshe Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in labadaasi masuul uu ku kala saaro qaanunka ama waxa uu Dastuurka ka qabo.

Si kastaba ha ahaatee labada Masuul ayaa ka dhowr sugaayo qaabka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka u kala xugmin doono awood qeybsiga gaar ahaan sida loo kala qaabili lahaa Madaxda Caalamka ee booqashada ku imaaneysa Magaaladda Muqdisho iyo waliba qaabka ay labadaasi Masuul ugu kala bixi lahaayen Safaradda dibadda.

Idale News Muqdisho