Guddoomiya Barlamaanka oo soo hadal qaadey Agaasimayaasha Wasaaradaha Dowlada

0
231

Iyadoo ay horey u jireen walwal laga qabo Agaasimayaasha Wasaaradaha oo si aan sharci ahayn uu u magacaabey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif, kuwaasoo la dheegey in aysan khibrad Aqooneed iyo mid shaqaba aysan u laheyn Xilkaas loo dhiibey,  Hada ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Feederaalka Soomaaliya Mudane Maxsmed  Cismaan Jawaari ka qayla dhaamiyey Agaasimayaasha, isagoo ku tilmaamey kuwa hoos u dhigaya Dowladnimada iyo tayadeedaba.

Kulankii shalay ee Baarlamaanka ayaa Gudoomiyahu ka Hafley isagoo ku dheeraadey Sida loogu baahan yahay in wax laga badalo Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu ka digey in Shaqooyinka Dowlada loo dhiibo Dad aan waxba ka garaneyn habka Dowladnimada, isagoo sheegey in haddii taasi dhacdo ay Dowladnimada wiiqeyso.

Gidoomiyaha mar uu la hadlayey Xildhibaanada wuxuu sheegey in shaqada ay hayaan aysan ahayn oo kaliya tan Baarlamaanka balse ay weheliso tii Aqalka Sare,  ilaa lagasoo dhiso aqalka sarena ay Xildhibasnada Baarlamaanku  wadayaan shaqadaas, sida Dastuurku dhigayo.

Gudoomiyaha Baarlamasnku wuxuu kaloo shaley ka hadley Feederaalisamka oo uu sheegey inay Dastuuri tahay, loona baahan yahay in lasoo dhamays tiro Masmulada Gobolesiga, si loosoo dhiso Aqalka Sare.

Kulankii Baarlamaanka ee Shaley waxaa lagu ansixiyey  Miisaaniyada Dowlada ee sadexda bilood ee soo socota

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com