Iyadoo dhawaan Khudbad uu Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Jeediyay uu ku sheegay in Maamul u Samaynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ay ka horreyso isla markaana Shirkaa loo bedelo mid dib u heshiisiin ah ayaa arrintaa waxaa markii u horeeyay ka hadlay Xubno Guddiga Maamul u Sameynta Goboladaas ka mid ah.
Maxamed Daa’uud Af Weeyne oo Xubin ka ah Guddiga maamul u sameynta Gobolada gedo iyo Jubbooyinka oo war baahinta qaar la hadlay ayaa ka jawaabay hadalada ka soo yeeray madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.
Af weeyne ayaa sheegay in hawlahood ay sii soconayaan isla markaana ay dhisanayaan maamul ay leeyihiin Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka iyadoo aan loo hakanayn waa siduu hadalka u dhigaye Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Daa’uud Af Weeyne ayaa soo qaatay Fikradda sheegaysa in la xoreeyo Degaanada xarakada Shabaab ay kaga sugan yihiin Goboladaas arrintaasina ay tahay Figrad sax ah laakiin haddana ayan isku xirneen maamul samaynta iyo Xoreynta isagoona Tusaale u soo qaatay Shirarkii ka Dhacayay Muqdisho iyo sidii Xarakada Shabaab ay ugu sugneed qaybo fara badan oo Magaalada ah.
Si kastaba Magaalada kismaayo ayaa waxaa weli ka soconaya qaban qaabada sidii halkaas looga dhisi lahaa Maamul la magac baxay Jubba Land.
Idale News Muqdisho