Guddiga Farsamdada ee Maamul U sameynta JubbaLand State oo gaarey Nairobi kuna wajahan Kismaayo

0
229

Wararka naga soo garaya Magaalada Nairobi  ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaay tibaxayaan in Magalaadaasi manta ay soo gareen wafdigi Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee dhawana haanba ku sugnaa Maagalada Muqdisho.

Wafdigaan oo qorshihiisu ahaa  in wax ka yar 24 sacadood ay muqdisho jogaan ayaa waxaay ku qadatay mudo ku dhow usbuc waxana ay wadahadalo aan  najixin la yeesheen  Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud.

Wafdigaan ayaa waxaay ka soo baxeen magaalada Muqdisho ayaagon war galin Madaxda Dowlada Somalia ee ay martida u ahayeen waxaana halkaasi ka muqata in wali ay jirto kala fogaansho u dhexeysa Madaxweynaha Somalia iyo Masuliyinta  ku howlan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Mar Saxaafada ay ku boqotay Wafdigaan xili ay ka soo dagayeen garoonka Diyaaradaha Nairobi ayaa waxaa la waydiyay waxaa ay kala soo kulmen  Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheikh Maxamuud.

Gudigaan oo ka kobnaa 8 xubnood  ayaa waxaa u hadlay hogaamiyaha Gudigi Maamul usmameynta Jubboyinka iyo Gedo ee  dhawanahaanba Muqdisho ku sugnaa Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax waxaana uuu shegay in Gudigooda ay Magaalada Muqdisho u aden si madaxda Dowlada Somalia  ugu wargaliyaan halka ay  marayso Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  waxaa uu intaasi ku daray in ay si dag dag ah ugu gudbayaan Kismaayo halkaasina ay ku qaban donan shirjaraaid oo ay uga waramayaan waxaa uso qabsomay inti ay jogeen Muqdisho.

Xubnaha wafdigaan ayaa waxaa si heer sare ah Garoonka Diyaaradaha  Nairobi ugu soo dhaweyay Xubno ka tirsan  Urur Goboleedka Igaad iyo waliba Siyaasiyiin Somali ah  waxaana lo galbiyay Hotelki ay ka dagi la hayeen  Magalada Nairobi.

Bisha anu ku guda jirno ee Novenbar  ayaa Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo noqotay hadal haynta ugu weyn ee guud ahaan Somalia waxaayna dhalisay xiisad siyaasadeed aad u qaabdaran mararka qaarna  qabiil salka la galaysay balse waxaa arinkasi biyo qabow ku shubay oo xiisadaasi damiyay R.wasaaraha Somalia Dr.Abdi Farah Shirdon Saacid  oo shegay in Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo loga danbeyn doono Shacabka  dagan 3 da gobol ee  la isku yirahdo Jubbaland.