Muqdisho ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay falkii dilka ahaa ee ay ka geysteen Ciidamada Ethiopia deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay.
Mudane Jeesow ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka xun yihiin in dad shacab ah si ulakac ah ay Ciidamada Ethiopia u layaan.
“ dhibaatada waxa keenay waa shacabka lagu dul dagaalamayo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga Baarlamaanka ayaa ku baaqay in la gacan qabto dadka ku dhaawacmay dhacdadaas.
Ugu dambeyn Jeesow ayaa sheegay in loo baahan yahay xal shacabka lagu badbaadiyo maadaama shacabka aysan ku dhex noolaan Karin labo Ciidan dhexdooda.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.