Guddi IGAD u xilsaarey Maamul U Sameynta Jubooyinka ayaa galabta gaarey Muqdisho, ka dibna u duuli doona Kismaayo

0
226

Guddi ku howlan maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo kana kooban qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega goboladaas ayaa galabta gaarey Magaalada Muqdisho caasimada dalka Somalia. Wafdigaan oo maanta Magaalada Nairobi  ka  soo ambabaxay ayaa ah mid balaaran ayaa kulamo hordhac la yeelan doona madaxda sare ee dowlada Somalia.

Sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen shabakada Idale News, wafdiga soo gaarey Muqdisho ayaa ka kooban sagaal beelood oo ah kuwa dega jubooyinka, halka kuwa kalena ay ka cudurdaarteen iney Muqdisho u raacaan daruufo iyaga u gaar ah balse waxay muujiyeen taageeradooda ku aadan shirweynaha maamul u sameynta goboladaas iyo ka qeybgalkiisa kaasoo dhici doona bilowga bisha December ee dhamaadka sanadkaan. Wafdiga soo gaarey Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah Sheekha Alu Suna Wajamaca wakiilka uga ahaa Roadmapkii waqtigiisa dhamaadey Sheekh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax waxaa sido kale ka mid ah Mukhtaar Dheere Muqtaar dheere oo ka socda beesha Ogaden iyo 7 xubnood oo aan wali magacooda la helin ayadoo 7 daas xubnood ee kale midba beel metalaayo.

Lama saadaalin karo halka ay wada hadalada IGAD iyo dowlada Somalia oo koox walbaa si gooni ah u dooneyso hogaanka shirka December ee Maamul u sameynta Jubooyinka halka ay saldhigan doonaan, hase ahaatee wafdigaan balaaran ee ka yimid Kenya ayaa wada hadallada Maamul loo yagleelo Jubooyinka kala yeelan doona madaxda sare ee dowladda Somalia sida Madaxweynaha, Afhayeenka Barlamaanka  iyo R/wasaaraha Xukuumada Somalia.

Idale News ayaa  waxay idin balan qaadaysa  in ay idin soo tabiso magacyada wafdiga iyo beelaha ay ka soo jeedaan marka ay wada hesho ayna hubiso. Waxay sidoo kale idiin soo gudbin doontaa agenda guud ee shirka  iyo natiijada ka soo baxda kulanka la filaayo inuu dhex maro dhinacyada ku howlan maamul u sameynta goboladaas ee magaalada Muqdisho maalinta Khamiista 24 October.

Ugu danbeyn wafdigaan ka soo dulay Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu wadaa in uu bari galab dib ugu laabto Magalada Nairobi ka dibna u ambabaxo Magaalada caasimada gobalka J/Hoose ee Kismaayo halkaas oo  lagu wado in bisha soo socota 1 deeda kulan hordhac ah uu ugu furmo masuuliyiinta beelaha ee ka soo jeeda goboladaas, una gogal xaara shirka guud ee bisha December ee Maamul u Samaeynta Jubboyinka iyo Gedo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com