Garowe(INO)- Mudanayaasha barlamaana Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay odoroska minaasaaniyadda sanadka 2017 ka oo dhan 160 milyan oo Dolar, taas oo barlamaanka hortaalay maalmihii la soo dhaafay,
Kalfadhigan oo ay soo xaadireen 49 xildhibaan,oo uu guddoominayay Guddoomiye Axmed Cali Xaashi, ayaa codka loo qaaday miisaaniyadda sanadkan oo kor u dhaafaysay 160 milyan oo dollar, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay 47 mudane, halka 2 xildhibaan ay ka aamuseen, mana jirin xildhibaano diiday.
Odoroska miisaaniyadda sanadka 2017 ee Puntlan oo toddobaadkii hore ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen gollaha wasiiradda ee dowladda Puntland, ayaa waxaa ku jira koror misaaniyadeed oo ah deeqaha caalamiga ah sida Bangiga aduunka oo laga filayo bishiiba in ka badan Hal Malyan iyo lix boqol oo kun dollar iyo deeqaha qaramada midoobay oo laga filayo in ka badan shan milyan oo dollar
Waxaa kaloo sanadkan lagu daray, Miisaaniyada dowlaha hoose ee 7 degmo oo kala Garoowe, Qardho, Eyl, Gaalkacayo, Jariiban, Beyla iyo Degmadda Bosaso, kuwasoo isugu geyn miisaaniyaddad dowladda Puntland ee Sanadkan ka dhigay 160 milyan oo dollar
Hay’addo Laga Saaray Miisaaniyadda
Barlamaanka Puntland ayaa sidoo kale fadhigiisii maanta, uu ka soo saaray qoondadii ay ku lahaayeen odoraska miisaaniyadda, Hay,adda Qurbo joogta Puntland iyo Hay,adda Maalgashiga Puntland, kuwasoo uu asaasay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Barlamaanka ayaa sheegay in markii la asaasay labadan hay’adood aan la horkeenin Barlamaanka, islamarkaana aysan lahayn wax xeerar ah oo lag dhaqo, islamarkaana ay yihiin sharci darro.
Gabagabadii, Odoraska Miisaaniyada 2017ka oo inta badan ku kooban Dakhli iyo kharash ayaa saddex laab ka badan miisaaniyadii sanadkans ii dhammaanaysa ee 2016ka, waxayna noqonaysaa miisaaniyadii ugu badnayd ee abid laga hirgaliyo Puntland, tan iyo markii la asaasay sanadkii 1998dii.