kulankii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xafiiska R/wasaaraha ayaa waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay qaar ka mid ah wasiirada xukuumada fedaraalka kuwaas oo safari shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Wasiiradii laga dhageysay warbixinta ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka kheyraadka dalka iyo wasiirka howlaha guud kuwaas oo ka warbixiyay kulamo ay uga soo qeyb galeen dalka Ethiopia iyo Suudaan.
Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta mudane Ibraahim Isaaq Yaroow waxa uuna sheegay in kulanka laga soo saaray go’aano ku aadan qaadista canshuurta taas oo si KMG ah loo ansaxiyay.
Sidoo kale wasiiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in kulanka ciidamada XDS lagu bogaadiyay guulihii ay ka gareen gobolka Baay, maadama si xeeladeysan ay ula wareegen dagmada Buur hakaba.
Golaha wasiirrada ayaa isbuuciiba laba mar kulan yeesha waxaana kulankaasi uu yahay mid ay ku kala warqataan, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlaa waxyaabaha u qorsheysan wasiirrada in ay qabtaan sitimaanka soo socda.
Idale news mogadishu