Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dooday maamullada gobollada dalka iyo hagaajinta hannaanka mushaar bixinta shaqaalaha dowladda kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Todobaadkii laba mar shir isugu yimaada ayaa maanta shirkoodi labaad ee Todobaadkan ku yeeshay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliy, waxaana shirkiisa guddoominayey mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” R/wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Shirkii golaha wasiirrada markii uu soo gabagaboobey wasiirka Warfaafinta, Boostada , Isgaarsiin iyo Gaadiid Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane C/llaahi Ciil-mooge Xersi ayaa warfidiyeennada la hadlay, waxa uuna faah faahin ka bixiyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka ay uga doodeen, taas oo ay ugu horeysay socdaalladii uu Ra’iisul wasaaraha dalka ku soo kala bixiyey qaar ka mid ah gobolla dalka.
Sidoo kale wasiirka Warfaafinta ayaa inoo sheegay in golahu ay soo saareen erey bixin cusub oo loo adeegsanayo maamul sameysashaday oo kolkii horey loo oran jiray maamul u sameynta, taasi oo meesha ka baxeysa sida u wasiirku sheegay mar haddii dadka deegaanka ay cidda ay doonaan u dhiibanayaan hoggaanka gobolkooda, hasa yeeshee ereg bixintaan cusub Barlamaanka la horgeyn doono.
ugu dambeyntii C/llaahi Ciil-mooge Xersi ayaa tilmaamay in bishan aynu ku guda jirno la billaabi doono canshuurta laga qaadayo shaqaalaha dowladda, marki ay Xukuumadda dhammeystirto darajooyinka ay kala leeyihiin Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Todobaad walba wasiirrada Xukuumadda oo hoggaamiyo R/wasaare Saacid waxa ay dood ka yeeshaan dhowr arrimood oo u kala qeybsan waxa ay qaban doonto Xukuumadda, siyaasadda iyo waxqabadka Todobaadkaasi ay sameeysay si halkaasi looga sii amba qaado, waxaana Xukuumadda diiradda ay saareysaa sidii shacabka Soomaaliyeed loogu geyn lahaa dowladnimada halka ay ka joogaan dalka.
Idale News Muqdisho