Baydhabo(INO)-Golaha wasiiradda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu Shalay soo dhameys tiray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay Kulankoodii ugu horeyay waxaa ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wasiiradda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay Dhamaantood Soo Xaadireen kulanka iyadoo ay isku wareysan donan kulanka ayaa waxaa uu yahay mid ay Saxaafaddu dibad Joog ka tahay .
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa uu shalay ku Dhawaaqay Qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradda iyadoo horay uu usii Magacaabay Qaar kale taasi oo shalay ka dhigtay in Dhamaan Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed lagu Dhawaaqay.
Waxaa La Filayaa markii Uu Kulanku soo Idlaaday in ay Warbaahinta la Hadlaan Qaar ka Mid ah Golaha wasiirada islamarkaana ay Faahfaahin ka Bixiyaan kulankooda.
Idale News Online, Baydhabo.