Golaha Wasiirada oo guddi u xil saaray inay xog ka keenaan dadkii ay AMISOM ku leysay Gobolka Bay

0
301

Muqdisho(INO)- Gollaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte.313f40bba0a3f37a31d2

Kulankan, ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorshaha amniga doorashooyinka, heshiisyada Somaliya, shirkadaha shidaalka iyo 14-kii qof ee Ciidanka Amisom ay toddobaadkan ku dileen Gobolka Baay.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa golaha u soo gudbisay qorshaha amniga doorashooyinka ee dalka uu wajahayo sanadkan, qorshaha oo qeybo badan ka koobnaa ayeey golahu ka doodeen.

Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shirka ka soo qaybgalay, ayaa sheegay in hay’adaha sharciga ay soo diyaarinayaan ka hortagga dambiyada ay ku kici karaan dadka sida musuq maasuqa, laaluushska iyo ku takri falka awoodeed inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Maxamed Mukhatar ayaa golaha u soo gudbiyay diyaarinta heshiiska wadaagga shidaalka ee Soomaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Ugu dambeyntii,Gollaha Wasiirada, ayaa ugu dambeen tacsi u diray dadkii lagu laayay deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay, waxayna u magacaabeen guddi ka kooban Wasaaradaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, si ay iyagoo kaashanaya Koonfur Galbeed ay warbixin sugan ugu soo gudbiyaan Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.