Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay guulaha siyaasadeed ee ay soo hoysay dowladda Soomaaliya

0
196

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay horumarada iyo guulaha siyaasadeed ee ay gaartay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay is bedelada xilligan dalka ka jira mid suura gelinaya in Soomaaliya ay dib cagaheeda ugu istaagto.

Bayaan maanta oo jimco ah ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa waxaa lagu taageeray war murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedkii jaamacada Carabta ee looga hadlay horumarka iyo is bedelka ka jira dalka.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in dowladda Soomaaliya in bilihii la soo dhaafay ay horumar ka sameysay xiriirka arrimaha dibada, gaar ahaan aqoonsiga ay ka heshay beesha caalamka iyo qaadistii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Culumaa’udiinka ayaa sheegay in xilligan uu ka jiro caasimada Muqdisho is bedelo la taaban karo iyo horumaro, waxaana ay soo dhoweeyeen dadkii horay uga qaxay ee ku sugnaa qurbaha inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan.

Sidoo kale waxay Culumaa’udiinka dhiira geliyeen dadaalada dhinaca ammaanka iyo nabadgelyada ee ay wado dowladdu, kaasoo wax looga qabanayo falalka amaan daro iyo kooxaha nabad diidka ah.

Waxaa kaloo culumaa’udiinka ay bogaadiyeen dadaalada gobolada ka socda ee maamulada loogu sameeynayo deegaanadii laga xoreeyay Al-Shabaab, waxaana ay ku tilmaameen booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagay Kismaayo mid muujineysa in dowladnimadii ay ku baaheyso dalka oo dhan.

Ugu dambeyn culumaa’udiinka ahlusuna ayaa waxay ugu baaqeen beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay ka gacan siiyaan sugida ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka, isla markaana shacabka soomaaliyed lala soo gaaro kaalmo bani’aadanimo.

Idale News Muqdisho