Golaha Babdaadada KGS oo Canbaareeyay Dad lagu laayay duleedka Muqdisho

0
231
Southwest Somalia Salvation Council (SSSC)
GOLAHA BADBAADA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA Ref: SSSC/07/06 08 July 2017 Ujeedo: Tacsi Iyo Camaareyn Golaha Babdaadada KGS waxa uu ka tasciyanayaa dilkii naxriisdaradda lahaa ee maanta 08 July 2017 loogu geystay lix dhilinyaro oo ka soo wada jeeday hal qooys ,kuwaas oo lagu dilay agagaarka K13 ee wadada Afgooye,
duleedka magaalada Muqdishu. Dilkaas foosha xun oo ka fog Islaanimada iyo baniaadanimada waxaa la sheegay in ay geesteen kooxo hubaysan oo ku socday gaari. Dhalinyarada ayaa waxa la sheegay in la dilay ka dib markii ay ka soo laabteeen aaska qof waayeel ah oo reerka ka trisanaa.
Liiska Magacyada Dhalinyara La dilay Maanta. C/casiis Haaji Gaabow Mohamed Haaji Gabow Cabdi Haji Gaabow C/jabaaar Xaaji Gaabow Maxamed Yare Ahmed Gaabow Zakariye Ahmed Gaabow Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya,
waxaa uu tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan saaxiibadii ay ka baxeeen dhaliyaradaas yada dhashay oo hal goob lagu wada dilay. Waxaan Alla uga baryaeynaa in naxriistii janaa siiyo, dhammaan eheldiina samir Allah ka siiyo. Aamiin.
Waxaa kaloo Golaha Babaadada KGS uu cambaareyn kulul u soo jeedinayaa dilkaas foosha xun oo maanta ka dhacay wadada KM13 ee wadadda Afgooye, oo ah dil loo geystay dad aan hubeysneen oo si nabadgalbyo ah u socday. Tan kale,
Golaha Babdaadada KGS, waxaa uu baaq u dirayaa dhammaan hay’adaha nabadgalyada iyo kuwa caddaalada ee Gobolka Shabeelaha hoose,
kan maamul goboleedka KGS iyo kan Dowladda Federalka in caddaladda la soo taago dhamman dambiilayaashii ka dambaeeyay dilkaas wadareedka maanta 08 July 2017,
ka dhacay inta u dhaxeeysa wadadada Afgooye iyo Muqdishu (KM 13).
Abdulkadir Abukar Sheikh Gudoomiyaha Golaha Badbaada KGS- Southwest Somalia Salvation Council
Email: southwestsalvation@gmail.com