Golaha Ammaanka oo Israel ka dalbaday in ay joojiso boobka dhulka Falastiiniyiinta iyo Donald Trump oo hanjabay

0
199

NY(INO)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeey ayaa xalay wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israel ay ka wado dhulka Falastiin. Codeynta ayaa dhacday kaddib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto.

Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday, balse dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.

Mareykanka ayaa horey loogu garanayay inuu is hortaago in UN ay cambaareyso Israa’iil. Saraakiisha Israa’iil ayaa codeynta ka dib waxay cambaareeyeen sida Mareykanka uu u dhaqmay.

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Yuval Steinitz wuxuu sheegay: “Kani maahan qabyo qoraal ku saabsan deegaameynta ee waa qaraar ka dhan ah Israa’iil, waa mid ka dhan ah dadka Yahuuda, iyo dalkooda”.

“Mareykanka caawa wuxuu si fudud ku waayay saaxiibkiisa ugu weyn ee Bariga dhexe.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo la dhaarindoono 20-ka bisha soo socota, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray war ka dib codeynta.

“Sida Qaramada Midoobeey, arrimaha way isbedeli doonaan ka dib 20-ka bisha January”. ayuu yiri Trump.

Arrinta dejinta dadka Yahuudda ah, dhulka Falastiin waa xaaladda ugu xun ee labada dhinac hadda u dhexeyso, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.

Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sanadkii 1967-dii oo Israa’iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.

Deegaanadaasi ayaa loo arkaa sharcidaro, marka la eego xeerka caalamiga ah, balse Israa’iil ayaa diiday.
Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee UN xubnaha ka ah.