War deg deg ah oo hada nasaa gaaray ayaa sheegaya in diyaarad katimid dhanka magaalada Muqdisho oo jawi hoose kusoo gashay hawada magaalada Kismaayo garoonka magaalada Kismaayo lagu soo tuuray gantaal kaas oo kaga dhacay mid kamid labada baal ee diyaarada inkastoo lagu soo waramayo inuusan waxba yeelanin diyaaradii oo iyadoo badqabta ay caga dhigatay.
Majirto waxyeelo soo gaartay diyaaradii iyo cid kunoqotay toona.Diyaaradii ayaa goor dhawayd dib ugu noqotay magaalada Muqdisho.
Diyaaradan ayaa ahayd tii labaad ee maanta kasoo dagta garoonka Kismaayo,waxaana kasii horaysay diyaaradii siday wafdigii Dowlada oo iyadu aan waxba la kulmin
Idale News Kismaayo