Ganacsade u dhashey dalka Turkiga, laguna magacaabo Mustafa Erkan ayaa sida dad badan ay la socdaan dhowr jeer socdaalo is daba jooga ku imaadey isagoo wada qoryayaal maalgashi iyo dhisme xarun ganacsi oo laga sameynayo dalka Somalia gaar ahaan magaalada caasimada ee Muqdisho. Dhismahaas ayaa sida qorshuhu yahay la sheegey in laga dhisaayo Wadada Warshadaha, meel Airport Somalia u jirta qiyaastii 10 kilo meter. Suuqaas ayaa la sheegey in loogu magac dari doono Istanbul Bazar, loona ekeysiin doono suuqa xarun ganacsi oo Istanbul ku taala oo aad sawirkeeda hoos ku aragtaan.
Dhismahaan cusub ayaa la sheegey inuu ku fadhiyo dhul masaaxadiisu ay la eg tahay 50 kun square meter, kaasoo la sheegey iney ku bixi doonto lacag malaayiin doolar ah, waxaana dhismihiisa iyo security dhismahaas balaaran oo mehrado badan ka kooban ka qeyb noqon doona dowlada Turkiga iyo kaamarooyin casri ah oo hareeraha iyo gudaha suuqaas lagu xardhey.
Oorshahaasi ayaa sidoo kale waxaa ku lug helo ururka ugu weyn ee ay shirkadaha iyo ganacsatada Turkiga ay ku mideysan yihiin ee lagu magaaabo Turkish Industrialists’ and Businessmen’s Confederation (TUCSON), ganacsade Mustafa Erkan uu ka mid yahay. xarruntaan ayaa ka koobnaan doonta bilowga hore Hotel, carwooyin, bankiyo iyo mehero kale oo ganacsi.
Ururka Ganacsatada ku midoobeen ee Turkiga ayaa sheegey in dhismahaan cusub ay qeyb ka tahay dib usoo nooleynta rajadii Somalia ee uu Turkiga wado, shaqo abuurista dalka iyo maal gashi ujeedkiisu yahay in labada dal ay ka faa’iideystaan.
Dalka Turkiga ayaa noqdey dalka kaliya ee dunida Muslimka ah ee ku soo dhiiradey inuu gargaar iyo maalgashi toos ah ugu soo bareera dal ay aafeeyeen dagaalo sokeeye iyo abaaro ba’an in ka badan 22 sano.
Halkaan ka daawo sawirada ganacsada ku howlan mashruucaan oo kal hore booqdey Muqdisho
Idale News Muqdisho