Ganacsade Soomaaliyeed ahna siyaasi ka soo jeedaha Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gedo ayaa warar isa soo taraaya oo ka imaanaaya Madaxtooyada Somalia sheegayaan in ay u badan tahay in Madaxweynuhu u magacaabo Wasiirka 1aad ee Xukuumada Soomalia
(Saacid), oo qaraabo dhow yihiin Max’ed Abdullahi Farmaajo, kana ganacsada dalka Kenya, isla markaasna ka mid ah aasaasayaasha Xisbiga Rajo ayaa kulamo joogta ah la lahaa isbuucii ugu dambeeyey Madaxweynaha Soomaaliya. taasoo siyaasiyiinta iyo xildhibaanada badidood ku tilmaameen in uu Saacid u muuqdo shaqsiga haysta kalsoonida iyo balanqaadka Madaxweynaha, suurtagalna ay tahay inuu noqdo Prime Minister dowlada cusub ee madaxweynaha laga dhowraayo.
Cali Ciise Cabdi oo isna ka soo jeeda Beelaha Dega Sool, Sanaag iyo Ceyn horeyna u soo qabtey mid ka mid ah jagada Ku xigeenada Madaxa Bankiga Adduunka isla markaana in muddo ah ku noolaa dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya, inuu isaguna kulan la qaatey madaxweynaha 2dii cisho ee la soo dhaafey isagoo rajo ka qaba in madaxweynuhu u magacaabo jagada Ra’siiul Wasaaraha.
Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahan wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah mas’uul in badan siyaasadda kusoo jiray, waxaana lagu xusuustaa inuu sare u qaaday xiriirka Puntland iyo dalalka kale ee caalamka markii xilkan loo magacaabay. Siyaasigaan ayaa ka soo jeeda Beelaha Sool/Sanaag iyo Ceyn.
Xubanahan saddexda ah ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11 xubnood ee madaxweynaha uu kasoo saaray xubnihii tirada badnaa ee damaca uu kaga jiray qabsahada xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ra’iisul wasaaraha ku dhawaaqo labada casho ee soo socota, iyadoo xilligii uu haystay ay ka dhiman tahay wax ka yar hal toddobaad.
Mudda loo qabtey Madaxweynaha ayaa ku eg Talaada nagu soo aadan, laakiin dadka badi ayaa rumeysan in madaxweynuhu goor horeyba xushey Ra’iisul Wasaaraha dowladiisa, waxaana loo filayaa in berito oo sabti ah galinka dambe xaflad magacaabista Ra’iisul Wasaaraha ay ka dhacdo Xarunnta Madaxtooyada Qaranka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com