Ganacsade British ah oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay burcad badeedka Soomaaliya

0
229

Warbixin ay qortay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadin British ah oo ah ganacsade uu ku lug leeyahay howlaha burcad badeeda Soomaaliyeed.

Sida ay daabacday London Times warbixintan ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay waxa qoray guddiga dabagalka xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea iyadoo guddigaasina ay sheegeen in muwaadin British ah oo asalkiisu yahay Soomaali uu ku lug leeyahay afduubka loo geysto maraakiibta marta xeebaha Soomaaliya.

Ninkan ganacsadaha ah ayaa la sheegay in uu ku lug lahaa afduub badan oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in ganacsadahan uu abaabulka iyo afduubka maraakiibta uu qorsheyn jiray.

Warbixintan oo aan lagu shaacin magaca ganacsadahan ayaa waxaa lagu sheegay in uu ku lug lahaa afduubkii lammaanaha Britishka ahaa ee reer Chandler oo muddo sagaal bilood ah u afduubnaa burcad badeed Soomaali ah.

Markii dambe ayaa lammaanahan waxaa lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo la siiyay sanadkii 2010kii. Hase yeeshee siidentan lamaanahan ayaa waxaa gacan ka geystey muwaadiniin British ah oo asalkoodu yahay Soomaali.

Idale News Muqdisho