Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Axmed Maxamud Xasan Baasto ayaa soo dhaweeyay Qaadista Cunaqabataynta Hubka Dalka Soomaaliya mudo 20sano kadib markii ugu horeysay maanta. Axmed Baasto ayaa tilmaamay in haatan loo baahan yahay arinkaan si loo helo Ciidamo awood u leh dib u soo celinta Nabad galyada iyo horumarkii Dalka Xiligii hore ka jiray, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa si qoto dheer ugu sheekeeyay Xiligii Dawladii dhexe ee Dalka ka jirtay, wuxuna hoosta ka xariiqay in hormar fiican lagu tilaabsaday hase ahaatee wax walba gaadaal ay ka xumaadeen kadib markii kalsooni daro ka dhex dhacday Ummadda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa ugu baaqay Madaxda Dawladda Soomaaliya inay mudada halka sano ah ay ka faa’idaystaan si cunaqabataynta Dalka Soomaaliya dhamaan laga wada qaado, Asagoona sidoo kale xusay in loo baahan yahay Dawladu si foojigan arimaha Dalka iyo dadka uga fakarto. Dhan walba hajirtee Soo dhaweynta Galmudug ee Qaadista Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa Xili maanta markii ugu horeysay 20 sano kadib Xubnaha Gudiga Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ay isku raaceen mudo sanad ah in Cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya.
Idale News Mogadishu