Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay qeyb kamida golihiisa cusub ee wasiirada.Madaxweyne Uhuuru ayaa shaaciyay 4 wasiir oo ay kamid tahay gabadh soomaali ah.
Wasiirada la shaaciyay ayaa waxay kala yihiin
- Aamina Maxamed -Wasiirka Arimaha Dibada
- Henry K.Rotich – wasiirka maaliyada
- James Wainaina Macharia- wasiirka Caafimaadka
- Fred Matiangi-wasiirka warfaafinta, isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada
Wasiirada cusub ee Arrimaha Dibada ee Kenya ayaa noqoneysa gabartii labaad ee ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha dega Somaliland gaar ahaan Beesha Isaaq ee ku dhaqan dalka Kenya, waxaana xilkaas mid la mid ah Somalia ka haysta Fowsiya Xaaji Aadan oo ah wasiirada Arrimaha Dibada ee Somalia
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in 14ka wasiir ee dhiman dhawaan la soo dhameystiri doono.
Tirada wasiirada marka la soo dhameystiro ayaa waxay noqon doonaan ilaa 18 wasiir.
Daawo: Munaasabadii lagu magacaabey Xukuumada Cusub ee Uhuuro Kenyaata.
Idale News Nairobi, Kenya